HomeWarkiiMucaaradka samatabixinta oo qaadacay war-murtiyeedkii ka soo baxay Dowlada iyo xubnihii iyaga...

Mucaaradka samatabixinta oo qaadacay war-murtiyeedkii ka soo baxay Dowlada iyo xubnihii iyaga ka baxay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta mucaaradka samatabixinta ayaa xalay ka shirey heshiiski dhex maray Dowlada iyo mucaradka garabka Cumar C/rashiid ,waxaana shir gudoomiyaya madaxweynihii hore ee Somalia ASharii Sheekh Axmed.

Siyaasiyiintaan ayaa gabi ahaanba qaadacay heshiiskaasi iyo war-murtiyeedka ay isla soo saareen iyagoo sheegay inay hore  diideen qodobada heshiiska ku xusan.

Madaxweyne Xassan ayay ugu baaqeen inuu abaaro waaqiciga siyaasada ee dalka islamarkaana uu ka laabto waxyaabaha ay isku hayaan sida qodobadii wax ka badalka ay dowladu ku sameeysay dhanka dastuurka sida cutubka 4-aad.

Warsaxaaadeed ay ka soo saareen ayay ku cadeeyeen inay gabi ahaanba qaadaceen warmurtiyeedka ay isla soo saareen madaxtooyada iyo saaxiibadoodii dhawaan ka baxay madasha samatabixinta

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -