MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Mucaaradka Golaha samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay xarig xalay waqti danbe ciidamada Booliiska Somalia u geysteen la tyaliyaha Saciid Deni markii ay kala soo baxeen Hotel Airprt ee ku yaal gudaha xeyndaabka Xalane.
Masuulka hadlay oo ah Xog-hayaha guud ee Madasha samatabixinta Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegay in guud ahan xildhibaanada Soomaliyeed ee Puntland ka soo jeeda tacadi badan ay kala kulmeen Booliiska Soomaaliya sida in laga hor istaagay Mataaladdii shirarka Baarlamaanka iyo in laga hor istaagay safar ay ku tagi lahaayeen Garowe.
Koofi wuxuu carabka ku adkeeyay in Xildhibaanada Puntland ka soo jeeda ay Muqdisho ugu afduuban yihiin Booliiska Dowlada Somalia islamarkaana xalay lagu weeraray Xalane walibana la jirdilay.
“Mataaladdii ayaa laga hor joogsaday, safarka ayaa laga joojiyay oo waa afduuban yihiin, halkii ay ku xirnaayeen ayaa lagu weeraray, qaar la jirdilay iyo qaar la afduubtay, waxayna intaas oo dhan u marayaan ra’yigooda ka dhanka ah dastuur baddalka iyo kala gaynta ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Maxamed Aadan Jimcaale Koofi
Sarkaalkaan mar uu si gaar ah uga hadlayay xariga lataliye Axmed Hurre wuxuu sheegay inuu cambaareynayo afduubkiisa xadgudubyada kale ee loo gaystay xildhibaanada qaranka.
“Haddii sharciga la baalmaro oo macawista madaxa la gashado, sida oday Xasan yeeley, ma hubo in ay jiri doonto cid ka faa’iideysa, horaana loogu daalay” ayuu mar kale yiri Koofi
Ugu danbeyn Siyaasi Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo mucaaradka ka tirsan wuxuu Madaxweyne Xasan ugu baaqay in degdeg xorriyaddiisa loo siiyo Lataliye Axmed Hurre.
“Waxaan odoyada gabbalku ka sii dhacayo ee isku dhexyaacay ugu baaqayaa in degdeg xorriyaddiisa loo siiyo Lataliye Axmed Hurre, lana ilaaliyo xasaanadda xildhibaanka iyo dadka mudnaantan leh”ayuu mar kale yiri Koofi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
