MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka samatabixinta ayaa si weyn u cambaareeyay xarigii dhawaan ciidamada Booliisu u gaysteen Nabadon Xuseen Xaadoole kaasoo warbaahinta ka soo muuqday isagoo Madaxweynaha dhul boobnimo ku eedeynaya.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u canbaaraynaysaa xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole oo ciidamada boolisku ka afduubteen hoygiisa”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta
Siyaasiyiintaan oo kala ah Shariif Sheekh Axmed ,Xasan Cali Kheyre iyo C/raxman C/raxmaan C/shukuur ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan inuu joojiyo dhul boobka ka socda Muqdisho,.
“Xarigga Nabaddoon Xuseen Xaadoole waa caburin iyo cabsigelin lagu aamusinayo codka shacabka, wuxuuna xadgudub ku yahay xuquuqda muwaadinka iyo qodobka 18aad ee Dastuurka Dalka oo muwaadin kasta xaq u siinaya in uu si xor ah u cabiro fikirkiisa”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
