HomeWarkiiMucaaradka SSC Khaatumo oo ku guuleystay inay baajiyaan Shirkii Laas-caanood

Mucaaradka SSC Khaatumo oo ku guuleystay inay baajiyaan Shirkii Laas-caanood

LAAS-CAANOD (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Laas-caanodo ee xarynta Maamulka Khaatumo ayaa sheegaya inuu baaqday kulankii maanta loo balansanaa ee ku saabsanaa dhameystirka maamul dhiska SSC Khaatumo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in shirka dib loogu dhigay sabtida madaama beri jimco tahay,sababaha shirka baajiyay warar kala duwan ayaa ka soo baxaya madaama maanta goobta uu shirka ka dhici lahaa ay hub iyo cidamo ku qabsadeen siyaasiyiinta mucaaradka.

Wararka waxay tilmaamayaan in shirka loo baajiyay awood sheegashada syaasiyiinta mucaaradka xili hogaamiyaha SSC Khaatumo uusan sameyn wax dhaq dhaqaaq muuda ah taasoo keeni lahayd isku dhac hubeysan.

Warar kale ayaa sheegaya in shirka loo baajiyay madaama ergooyinkii ka qeybgeli lahaa aysan soo dhameystirmin darteed qaarkoodna mar danbe imaadeen sidasas daraadeedna loo balamay sabtida.

Si kastaba waxaa jirta khilaaf weyn oo dhanka siyaasada ah madaama mucaaradku ku ashtakoonayaan in Hogaamiye Firdhiye wato ajande u gaar ah isla markaana uu ku biirey urur siyaasadeedka uu hogaamiyo Madaxweynaha Somaalia ee Xassan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen inuusan iyaga wax tali ah ka siin ajandaha shirka ,sidoo kale waxay ku dhaliileen inuusan casuumin isimadii  beesha warsangeli ee lahaa talada Gobolada Sanaag iyo Heyland.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -