MUCAARADKII DOWLADDA OO KADABA GUURAY KHAYRE,

0

Lagasoo bilaabo Maalintii Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Mr khayre ka degay xilka , waxaa yaraaday sawaxanka mucaaradka, waxayna ku mushquuleen raadinta xilkaas, ku dhawaad laba.bilood markay ku jireen raajicinta xilkaas iyaga oo yareeyay ama ka wada gaabsaday mucaaradnimadii dowladda,.ayaa waxaa musharaxnimo madaxwayne ku dhawaaqay ra’isul wasaarihii hore ee dalka mr khayre,

Mar kaliya ayaa la maqlay sawaxanka mucaaradka iyagoo dhaliilaya musharaxnimada khayre, Taasoo ah wax ku cusub siyaasadda soomaaliya in musharax soomaaliyeed lagu dhaliilo musharaxnimadiisa !!

Dadka odorasa siyaasadda soomaaliya Ayaa micno badan ka bixiyay arintaas, Qaar ayaa ku tilmaamay in Mucaaradka badankiis yahay laba beelood oo ka tirsan Hawiye, kuwaasoo Saami qaybsiga Kursiga Siyaasadda hawiye u xirnayd ama isa siiyay,

Wixii ka dambeeyay magacaabistii Madaxwayne Farmaajo u magacaabay xilka wasiirka koowaad ee dalka mr khayre, Ayaa waxaa siyaasiyiinta qaar ee labadaas beelood usoo baxay xisaab cusub oo ku beertay wal wal & walbahaar, Taasi ayaa keentay baa la leeyahay in dagaal dhinacyo badan lagu qaado khayre shaqsiyadiisa,

Arintaan Ayaa banaanka soo dhigtay in dhaleecaynta mucaaradka u jeedinayaan musharaxnimada khayre, in ay tahay arin salka ku haysa saami qaybsiga kursiga hawiye ee matalaada Siyaasadda,

 

Ibrahim xassan cawaale ( inna khodax kumudey )

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here