Waxaa saakay qarax xoogan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Degmada Dayniile, waxaana qaraxan lala eegtay gaari uu la socday xoghayaha degmada Dayniile Mahad Sharaawe

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Degmada Dayniile gaar ahaan goob Suuq ah , waxaana qaraxa la sheegay in uu ka bad baaday xoghayaha degmada Dayniile oo la doonayay in lagu dilo.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay afar qof oo shacab ah ay ku jiraan haween iyo caruur, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dhoor qof oo kale kuwaa oo loola cararay xarumo caafimaad.

Qaraxan saakay ka dhacay degmada Dayniile ayaa kusoo aaday xili isbuucii hore qaraxan oo kale lagu dilay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya oo lagu magaacabayay Cali Bariis, qaraxyada miino ayaadna moodaa in hada kusoo badanayaan Dayniile.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here