MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Beri oo ah 14-ka April 2026 islamarkaana ah Talaado waxaa ku eg muda xileedka Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad labada aqal ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya, hal bil kadibna waxaa muda xileedku ka dhamaanayaa Madaxweynaha Somalia Xassan Sheikh.
Warar aan wali xaqiijin ayaa sheegaya in Siyaasiyiin caan ah kana tirsan Mucaaradka islamarkaana xildhibaano ah inay beri ku dhawaaqi doonaan inay ka fadhiisteen howlaha Xildhibaanimo madaama sharciyan waqtigii dhamaaday.
Xldhibaanadaasi oo laga carabaabay C/raxman C/shukuur ayaa waxay si rasmi ah u shaacin doonaan in wixii beri ka bilowday aysan xildhibaano ahayn islamarkaana aysan wax xuquuq ah sida mushaarka iyo kaararka aqoonsiga dhamaan aysan uga baahnayn Dowlada.
Shariif lama yaqaan inuu ku jiro xildhibaanada ka fadhiisanaya shaqada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,C/raxmaan C/shukuur wuxuu marar badan sheegay in muda xileedka Dowladu gabaabsi yahay sidaas daraadeed uusan rabin in la arko isagoo dhahaya muda xileedkii baa ka dhamaaday Xasan Sheekh xili isagu ba xildhiban dhacay yahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
