HomeWarkiiMudane ka tirsan Aqalka Senete-ka Mareykanka oo Trump ka dalbaday inuu aqoonsado...

Mudane ka tirsan Aqalka Senete-ka Mareykanka oo Trump ka dalbaday inuu aqoonsado Somaliland

Ted Cruz - WikipediaWASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda Aqalka Senete-ka Baarlamanka Maraykanka oo lagu magacabo  Md.Ted Cruz ayaa warqad uu u qorey Madaxweynaha Mareykanka wuxuu kaga dalbaday inuu  aqoonsado Maamulka Somaliland oo Dowlad ahaan u ictiraafo.
Ted Cruz oo ah Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka arrimaha Afrika u qaabilsan Guddida Arrimaha Dibadda Aqalka Senete-ka wuxuu ku amaanay Somaliland sida ay u qabadaan mar kast doorasho dadweyne oo si nabad ah ku dhacda.
“Waxaan qoraalkan kuugu soo gudbinayaa inaan kugu boorriyo adiga iyo Maamulkaaga inaad si rasmi ah u aqoonsataan Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, oo leh xornimo iyo xuduudihiisa 1960-kii”ayuu ku yiri Ted Cruz  warqada uu u qorey Trump
Xildhibaan Ted Cruz wuxuu xusay inuu shaqsiyan diyaar ula yahay Trump  waxa kasta oo uu uga baahan yahay si loo xaqiijiyo hadafka ah in Mareykanku aqoonsado Somaliland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -