Mudo 16 maalin ah madaxweyne HSM Waxuu ku sugnaa Magaalada dhuusamareeb waxaa socday dadaalo ku aadan qaabkii loo wajihi lahaa xoreynta Deegaanada Galmudugta/Bari gaar ahaan Dagmooyinka Ceelbuur Derri,Galhareeri, Wabxo & Deegaanada hoos yimaada

Advertisement

Waxaa jiray fikrado isdiidan oo ku aadan qaabkii loo Wajihi lahaa howlgalka Galmudugta/Bari taas oo keentay dib u dhac inkastoo ugu danbeyntii leysku raacay in howgalada ay hogaamiyaan CXDS & Ciidamada Deegaanka

Dad badan ayaa fariimo iisoo qoray oo ileh si qabiileysan ayaad u hadashay oo waxaad tiri macawisleey aan u dhalan deegaanka ma tagi karaan. Waxaan faham buuxa ka qabaa waxa ka dhalankara macawisleey hubeysan oo aan is aqoon meelo Kala Duwan ka kala yimid oo hal magaalo iskugu yimid

Dadka Somaaliyeed meelwalba ayay isla dagan yahiin
Qolo walbane inta ay deegaankeedu la eg yahay & dadkeedu ayay wax ku qaadanayaan waxna lagaa yareyn maayo waxna laguu kordhin maayo lakiin intaa waxaa ka horeysa in Gobolka la xoreeyo

Wasiir Arimaha Gudaha Saxiibkeey ayaa dhageystay qudbadiisa oo leh Centre Ceelbuur guryo ayaa ku leenahay leygama xigo Wasiir Ceelbuur lagaama xigo guryo kale waad ka dhisan kartaa lakiin sidaa waxba laguma yeesho waxaan wax ku wada yeelan karnaa in dib loo soo celiyo Gobolkii la Oran jiray( Bassa mudug )oo ceelbuur laga xakumi jiray

Aniga faamilkeyga waxay Ka yimadeen magaalada B/Wayne guryo & hanti ayaa ku leenahay gaar ahaan Qoraxsinka Magaalada, suuqa la yiraahdo huruwaa waxaa aasaasay oo dhismahii ugu horeeyay ka dhisay Abaheey Cumar mahadale,waqtigii dowladii milatariga Governor soo xukumay Magaalada B/Wayne waxaa ka mid ahaa Adeerkeey Cismaan dheere waa magaalo aan xushmad ku leenahay lakiin ma sheegano dadka Deegaanka u badan ayaa ku tixgalinee wasiir adiga sidaa oo kale ayaa lagaa rabaa, soo dhawoow

Godoomiye  Ibraahim Dheere

Previous articleMagaalada CaabudWaaq oo lagu soo bandhigay Maleeshiyaad ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab
Next articleWar deg deg ah iCiidanka Xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada shacabka deegaanka oo galabta si buuxda ula wareegay degaanka Wabxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here