Allah ha u naxariisto, Xikmaddiisana ajar ha ka siiyo.

Maxaan uga dan leeyahay?

Marka la eego marxladda uu dalku ku sugan yahay xag siyaasad, dhaqaale iyo amni waxaan qabaa in Mudane kasta oo Baarlamaanka loo doortay ay la gudboon tahay in uu mas’uuliyaddiisa qaato oo uu u istaago waajibaadkiisa.

Xildhibaannada dooran waa ay og yihiin, kii illowsanna waan xusuusinayaa in marka ay dhaartaan ay iyagu dalka u yihiin Dowlad, waliba haysata sharciyad cusub, cid ay go’aan ka sugaan iyo cid u cawdaan oo iyaga ka awood badanina aaney jirin.

Guddiga doorashada ayay qaar ka cabanayaan. Sow ma oga Guddiga shaqadiisa in ay u dambeyso maalinta uu Baarlamaanku fariisto?

Xusuusnow Madaxweynaha waxay howshiisu ku eg tahay isla goobta aad ku doorataan Madaxweyne. Haddii uu tartamo oo aad dib u doorataan waa wax kale.

Ogow Ra’iisal Wasaaruhu haddii aanuu tartamin, waxaa awooddiisu dhammaatay maalinta la doorto Madaxweyne. Xataa haddii isla isaga dib loo magacaabo, wuxuu idinkaga baahan yahay ansixin.

Sidaa darteed awoodda dalku gacanta ayay idiinkugu jirtaa.

Waxaan dhiirri gelinayaa in Xildhibaan kasta oo dooran oo aan arrin caafimaad ka joojin uu u dhaarto mas’uuliyadda uu dalka u qaaday, sidaana uu ku noqdo Xildhibaan buuxa.

Halkaa waxaa Xildhibaanow kaaga billaabanaysa gudashada waajibaadka ku saaran iyo u adeegidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida Rabbi kugu og yahay.

Ha dudin, ha dacwoon, cidna ha ka sugin ee qaado oo adeegso awoodda uu sharcigu ku siiyay ee ay dhaartu kaa xigto.

Ha noqon dab dhaxamooday!

Qore Yuusuf Garaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here