QAZA (DAYNIILE.COM)-Dagaal culus oo shalay ka dhacay Magaalada Qaan Yunis ee marinka Gaza ayay warbaahintu hadal heysaa, kasoo guud ahaan maamulka Yuhuuda, iyo warbaahintoodaba qirteen jabka xooggan ee ka soo gaaray ciidamadooda.
Dagaallkaan ayaa qarxay markii weerar hore u qorsheynaa ay dagaalyahanada Xamaas ku qaadeen ciidamo Israa’iil ah oo watay dabaababoodka dagaalka kuwaasoo ku howlnaaa dhibaateynta shacabka reer Gaza.
Ciidamo kooban oo ka tirsan mujaahidiinta Xamaas oo wata garneelada garbaha laga rido ayaa si kadis ah waxay weerar ugu qaadeen cidamada Yuhuuda iyagoona xaqiijiyay in qaar ka mid ah gaadiidka ay garneelada ku gubaan.
Mid ka mid ah gaadiidka qufulan ee Yuhuudu wadatay ayaa waxaa ku gubtay 6 askari iyo sarkaalkii guud ee watay ciidamada xili ciidamadii kale ay awoodi waayeen inay bad-baadiyaan madaama Xamaas ka hor istaagtay ilaa sarkaalka iyo lixda askari ee Yuhuuda ah nata kaga baxday gaariga dhexdiidsa oo ay ku dhex shiilmeen.
Sidoo kale howlgalkaasi barakeysnaa intii uu socday waxaa ciidamada Israa’iil ku dhacay jahwareer xili xitaa dhaawacyadooda ay gurmad u sameyn kari waayeen.
masuuliyiinta Yuhuuda sida Wasiirka Gaashaandhiga iyo madaxweynaha ayaa qirtay guul darada Xamaas ka soo gaartay shalay sidoo kale waxaa afka furtay mucaaradka Maamulka Yuhuuda kuwaasoo soo jeediyay sida Iiraan in Xamaas loola heshiiyo.
Dhanka kale carada ka dhalatay weerarka lagu laayay Yuhuuda wuxuu keenay markii danbe inay madaaiic taangi ka dhaceysay ku garaacaan shacab reer Gaza ah oo raashin sugayaal ah iyo kuwo gurya jajabn deganaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

