In beesha Caalamka & Qaramada Midoobay Dhahaan Waa in Hay’adaha Amniga Sida NISA & Wasaaradda Amniga Loo Magacaabaa Dad Dhaxdhaxaad ah Waxay dhabar jab ku tahay Kalsoonidii horay loo siiyay Ra’isul wasaare rooble, waxayna awood soo noolaansho ah siinaysaa Maadxwayne Farmaajo,

In Mar kale lagu kalsoonaan waayo Ra’isul wasaare rooble oo horay beesha caalamka uga haystay kalsooni kadib Markii Madaxwaynaha Xal u waayay Arrimaha doorashada, Waxay muujinaysaa in beesha Caalamka u aragto Rooble Nin wada shaqo aan ahayn Shaqadii loo igmaday,

“Kahor doorashada waa in la gaaraa heshiis Laamaha Amniga NISA & Wasaaradda Amniga loo dhiibaa Gacan lagu kalsoon yahay”

Waa dharbaaxyo ku dhacday Wejiga Rooble dhaawacna u gaysatay Sumcaddiisa, Taa waxaa Sabab u ah Markii uu Dagaal deg deg ah oo Ka Aradan Xeeladaha Siyaasadda ku qaaday Koox isagoo u danaynaya Koox kale.

Hadalka beesha Caalmka ayaa kusoo aadaya Kadib Markii Dagaal abaabulan oo Qas & Jahwareer Xambaarsan lagu Qaaday Maamulka Galmudug , iyadoo Lagu Tuhmayo Damjadiid, Puntland & Xafiiska Ra’isul wasaare rooble in ay iska gaashadeen Falkaas Xasillooni darada Lagu galinayo Amniga & Deganaanshaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here