BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Munaasabad lagu Shaacinaayo Musharaxnimada Madaxweynaha Koofurgalbeed ee Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa Maanta ka dhaceysa Baydhaba iyadoo halkaasi ay ku sii qulqulayaa masuuliyiin kala duwan oo Dowlada iyo koofurgalbeed ka kala socda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Saakay maanta ku wajahan Baydhabo,xili ay hore u sii gaareen Wasiirada arimaha gudaha Cali Xoosh iyo kan Dekadaha Wasiir Jaamac.
Magaalada Baydhaba waxay la ciir ciireysa siyaasiyiin iyo dhaq dhaqaaqyo xooggan oo la xiriira doorashada Koonfur Galbeed,waxa doorashadaan macno u yeelay markii dhanka Xisbiga Madaxweyne Xasan ee JSP ay ku midoobeen inuu matalo Aadan Madoobe.
Dhanka kale waxaa xusid mudan in Xildhibaanadii Siyaasad ahaan hore u taageersanaa Laftagareen ay hada u weecdeen dhanka Dowlada Somalia iyagoona isku shubay Magaalada Baydhaba si ay Doorashooyinka qayb uga noqdaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
