Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa xiligaan Muqdisho ka socda xaflad lagu maamuusaayo maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku asteysan 21-ka November.
Dowladii Kacaanka ayaa 21-kii November sanadkii 1974 u aqoonsatay maalinta Macalinka iyadoo ilaa hadana ay ka soo wareegatay 49 sano oo sidiina xuska loo dhigo.
Xafkada saaka waxaa ka qeybgalay wasiiro ,xildjibaano,macalimiin,maamulo iskuul iyo Jaamacado iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Inta badan masuuliyiinta hadlay oo wasiirada iyo macalimiintu ka mid yihiin ayaa falanqeeyay qiimaha maalintaani u leedahay bulshada iyo gaar ahaan bahda waxbarashada.
Dhanka kale waxaa xalay xaflad nuucaan ah qabtay Ururka Macalimiinta kuwaasoo khudbadahooda ku muujiyay qiimaha macalinka iyi waxbarashada ay bulshada u leeyihiin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM