LAASCAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa Magaalada Laas-caanood si rasmi ah uga bilaabatay daqiiqado ka hor munaasabadii caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Waqooyi Bari C/qaadir Aw-Cali Firdhiye.
Waxaa xusid miudan in munaasanada ay ka qeybgalayaan xubnaha Dowlada oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan,Ra’iisulwasaare Xamza ,wasiirada qaar iyo Xildhibaanada qaar.sidoo kale waxaaa ka qeybgalay Madaxweynaha Maamulka Galmdug Qoor-Qoor,sidoo kale waxaa ka qebgalaya diblomaasiyiin ka socda dalalka Turkey,Sucuudiga,Sudan,Kenya,Jabuuti iyo dalal kale.
Munaasabada waxaa hada socota khudbooyinka madaxdu ka jeedinayaan munaasabada iyadoona lagu wado dhamantood inay u hambalyeyn doonaan Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo loo fadhiyo caleema saarkiisa.





