HomeWarkiiDAAWO: Munaasabadii Caawa saq dhexe lagu shaaciyay heshiiska la gaaray oo ay...

DAAWO: Munaasabadii Caawa saq dhexe lagu shaaciyay heshiiska la gaaray oo ay ka soo wada muuqdeen odayaasha dhaqanka iyo Mucaaradka

MUQDISJO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay munaasabadii lagu shaacinayay heshiiska la gaaray ee ah in banaanbixii dib loo dhigay mudo sagaal maalmood ah.

Dhanka dhax dhaxaadiyayaasha waxaa hogaaminayay Imaamka iyo Ugaaska Muddulood waxaana kula jiray xildhibaano iyo Ganacaato kuwaasoo dhamaantood galabta ilaa caawa saq dhexe u taagnaa sidii ay xiisada dagaal u xalin lahaayeen madaama banaan buxu keeni karo isku dhac hubeysan wayna ku guuleysteen.

Munaasabada Caawa waxaa dhanka mucaaradka fadhiyay inta badan Madaxda sida Shariif Sh.Axmed Xassan Cali Kheyre ,Cabdi Faarax shirdoon Saacid, Maxamed Xuseen Rooble iyo Wasiir Carab.

Madasha Samatabixinta waxay cadeeyeen inay aqbaleen soo jeedinta ka dhalatay dadaaladaas ee lagu baajiyay bannaan bixii berri dhici lahaa.

Labada dhinac waxay shirkaan ama munaasabada ka cadeeyeen  in bannaan baxu yahay mid dastuuri ah muddo 9 maalmood gudahood wixii farsamo ah looga shaqeeyo bannaan baxaas goobta iyo goorta uu dhici doono, si nabad ah oo dowladdu amnigeeda sugeyso uu u dhaco.

Guud ahaan Shacabka reer Muqdisho ayaa caawa niyad sami ku seexanaha madaama cabsidii meesha ay ka baxday Xalna la gaaray.

Faah-faahinta shirka iyo hadalada dhinacyada halkaan hoose ka daawo:-

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -