Munaasabad heerkeedu sareeya lagunna soo bandhigayay buug tusmeynaya howlqabadka wasaradda arimaha gudaha dowlad goboleedka hirshabelle ayaa laggu soo bandhigay xarunta mamulka ee hirshabelle

Waxaanna munaasabdda goob joog ka ahaa duubabka dhaqanka aqoonyahno ururada bulshada sida dhalinyaro iyo haweenka waxa kaloo madasha u dhamaa masuuliyin ka tirsan labadda golle.

Wasaradda arimaha gudaha dowlad goboleedka hirshabelle mudadee afarta sanna ee mamulka deeganka gacanta ku heysay ayaa loo asteeyay iney tahay middii ugu waxqabadka sareysay marka loo eeggo dhaman guullaha muhiimka ah oo ay kasoo hoyisay daadajinta baahinta adeegyada bulsho oo muhiim u ah horumarka iyo tanaadka mamulka hirshabelle.

Qaar kamid ah howlwadeenna ayaa si kooban u qeexay howlaha hortabidnta leh ee wasaraddu hirgilsay ee dhaqan galka noqday.

Nabadoon qaasim qiiley ayaa isna aad u boodiyay dadallada wasaradda arimaha gudaha ee uu horboodayay .

Hogaamiyaasha bulshada sida dhalinyarada iyo haweenka ayaa si isku mid ah u tilmaamay in howadennada iyo hogaanka wasaradda ay si dhab ah ugu daacad adeegen bulshada hirshabelle.

Xildhibaan wabar maxamed iyo wasiirka waxbarashada hirshabelle Cabdullaha abuukar cadow oo ku kalla hadlayay magaca gollaha barlamanka iyo xukumadda ayaa ayagana aad  ugu mahadnaqay dadaalkii nafhurnimada howladeenna iyo madaxda wasaradda uu horboodaya wasiir maxamed cali caadle ay ku hirgiliyaan howla badan oo hurumarkooda muuqda.

Wasiirka wasaradda arimaha gudaha dowlad goboleedka hirshabeelle maxamed cali caadle ayaa isna qeexay howlihii adkaa ee hirgalay.

Gunanadkii shacabka duubabka dhaqan iyo madaxda sar-sare ayaa cod sare ku dalbaday in mar kalle wasaradda arimaha gudaha uu daadihiyo wasiir maxamed cali caadle oo ay ku asteeyen masuul howl qabad badan oo ay jecli xoogan ka qaba taabba galka iyo tanadka hirshabelle.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here