Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay afar eedeysane oo loo haysto kiis musuqmaasuq oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta, eedeysanayaasha maxkamadda la soo taagay ayaa kala ah; agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, agaasimaha waaxda ajaanibta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, mas’uulkii xafiiska fiiso bixinta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda iyo maamulihii bangiga dhexe ee laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Advertisement

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa eedeysanayaasha u dirtay xasbi ku hayn ku meelgaar ah, si looga gungaaro kiiska lagu eedeynayo, kaddibna maxkmadda loo soo gudbiyo eeda loo haysto.

Previous articleSomaliland oo sheegtay in ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ahi ay soo weerareen ciidankeeda
Next articleWasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo Eedeeyay Isimada Dhaqanka Gobolka Nugaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here