MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Guri Dabaq ah oo dhismihiisu ka socday Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho  ayaa maanta soo dumay,waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Dabaqa ayaa ku soo kor dumay Masaajid ku dhinac dhaganaa sida uu sheegay Gudoomiyaha degmada Kaxda.

Advertisement

Shaqaale ka badan Boqol ruux oo dabaqa wax ka dhisaayay ayaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray markii dabaqii uu soo daatay, 8 ruux ayuu dhaawac ka soo gaaray burburkaasi kuwasi oo isbitaalka Al-biri la dhigay.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda ayaa saxaafada u sheegay inaaneey jirin wax dad ah oo ku dhintay kaliyana ay sideed ruux dhaawacmeen loona gurmaday.

Gudoomiyaha oo caro ay ka muuqatay islamarkaana ay garbihiisa taagnaayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen milkiilaha guriga iyo injineerkii dhisaayay.

.Sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu intaasi ku daray inaan la xabsiga laga sii deyn doonin injineerka iyo milkiilaha ilaa sharciga laga hor geeyo.

“injineero aan dhismaha waxba ka aqoon baa lagu soo fasaxay dhismiyaalka Gobolka Banaadir dhibna waa geystaan,wixii maanta ka dhacay waaxda 3-aad ee Kaxda waxay ahaayeen wax masiibo ah wana wax mar walba xamar ku soo laalaabanaya,dhawaan ayay ahayd markii dabaq ku soo dumay suuqa bakaaraha dad baana ku dhamaaday mana la aqbalaayo”ayuu yiri Gudoomiyaha.

“Ma aqbalayno in magaalada lagu soo fasaxo injineer qooto qooto ah oo dhagaxyo is korsaaraya kadibna ay dadku ku baaba’aan”ayuu yiri mar kale gudoomiyaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleXildhibaanada Labada aqal oo maanta ansixiyay xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii +Sawirro
Next articleItoobiya miyey ka soo dabacday mowqifkii ay ka taagnayd heshiiskii ay la gashay Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here