Sida aan la socono  magaalada Garoowe waa caasimada maamulka Puntland taa oo hoos tagto Caasimada Dowlada Federaalka ee Muqdisho

Hadaba waxaan isbar bar dhigeynaa Musharaxnimadii Cabdulaahi Yuusuf iyo Saciid Dani

Hadaana ku bilaawno horta ma jira qodob dhigaayo Puntland madaxweynaha Puntland hadoow isku sharaxo Dowlada Federaalka in uu ka noqodo Madaxweyne  qodob   Xilka ka qaadaayo

Markaan dib u jaleecno waxa ay ku kala duwnayeen  musharaxnimadii 2004 Cabdulaahi Yuusuf iyo 2022ka Saciid Dani

1 Cabdulaahi Yuusuf waxuu Dalka Soomaliya gaar ahaan Garoowe ka maqnaa 2 sano waxuuna joogay Dalka dibadiisa sida Kenya taana waxuu awood Dastuuri ah si kumeel gaar ah ugu wareegeysa Madaxweyne ku  Xigeenka

Hadaba  Saciid Dani maxay kaga duwan tahay taas

Dani waxuu joogaa Soomaliya Caasimada  Muqdisho kamana bixin Dalka taa waxay awood u siineysaa Dani wali in uu yahay Hogaanka  Puntland awoodna ma u siineysa Madaxweyne ku xigeenka in uu wax magacaabo waxna xilka ka qaado madaama awoodaasi Lee yahay madaxweynaha walina uu Dalka meel ka mid ah joogo

Si kastaba ha ahatee  Madaxweyne ku  Xigeen Danbi buu ka galay Sharaciga u yaalo Puntland iyo kan Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here