HomeWarkiiMuqdisho oo lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay maalgelinta Cimilada Somalia +SAWIRRO

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay maalgelinta Cimilada Somalia +SAWIRRO

Muqdisho, November 30, 2025: Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida maalgelinta cimillada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NFC).

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray qiimeynta baahiyaha maalgelinta cimilada Soomaaliya iyo sida ay muhiimka u tahay in laga faa’iidaysto. Intii uu socday shirkaan ayaa si guud lagu qiimeyay baahiyaha maalgelinta cimillada, iyadoo sidoo kale doodo lagula yeeshay kulanka Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ee ku saabsan hal-abuurka maaliyadeed, hoggaanka NCF, kuwaas oo horseedi doona barnaamij gaar ah oo mustaqbalka loo diyaarinayo bangiyada dalka si loo xoojiyo helitaanka maalgelinta nidaamka Isbeddelka Cimillada.

Shirkaan ayaa waxaa warbixno ku saabsan hannaanka helitaanka maalgelinta maaliyada cimilada ku soo bandhigay masuuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ,Bangiga Horumarinta & Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB), iyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimillada Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saaray helitaanka maalgelinta cimilada iyo fursadaha ka jira Sanduuqa Cimilada Adduunka (GCF) iyo Sanduuqa La-qabsiga.

“Shirkaan oo socday shantii maalin ee lasoo dhaafay waxaa uu aas-aasi u ahaa in Dowladda Soomaaliya si wanaagsan ugu diyaar garowdo inay si toos ah u hesho maalgelinta cimilada, loona maamulo si waafaqsan nidaamyada dowliga ah ee soo hagaajaya,” ayuu yiri Liban Obsiye, Agaasimaha Fulinta ee NCF.

Soomaaliya hadda waxay ku tiirsan tahay hay’ado kale oo caalami ah iyo kuwo qaran oo leh aqoonsiga GCF iyo Sanduuqa La-qabsiga, si loogu fuliyo mashaariicda cimilada, inkastoo ay tahay dalka ugu hooseeya marka laga hadlayo qiiqa ka dhasha isbeddelka cimilada, sidoo kalena ugu nugul saamaynta taban ee isbeddelka cimillada.

Waxaa shirka sidoo kale ka qaybgalay xubno sare oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada, iyo Wasaaradda Beeraha, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo UK FCDO Pioneer Country Trials oo Soomaaliya ku biirtay intii lagu jiray COP28 laba sano ka hor sidoo kalena taageero farsamo siiyaa Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimillada Soomaaliya (NCF).No photo description available.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, people studying, dais and textMay be an image of one or more people, people studying and textMay be an image of one or more people, dais and text that says "Foreign, Commonwealth & Development Office DAI OXFA CONSULT STRATEGIC CLIMATE FINANCE ADVISORY MISSON ON MISS SOMALIA TRIAL Delivered throu the expe dvisory -down service lot b Support for th ate country trial in Somalia non on CAPA 24-26 No RKSHOP CE Lan an tel; Mogadishu"May be an image of text that says "vered throu ort for the STRATEGIC CLIMATE FIN DVISORY MISSIC SOMA sory call-d nance co he expert a ce on acces APA BU MA wo AN"May be an image of one or more people, dais and text that says "jaabo 0 INIGAT"May be an image of one or more people, people studying and daisMay be an image of one or more people and newsroom

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -