Muqdisho (dayniiile.)-Qarax Miino ayaa xalay waxaa mar kale laga maqlay Magaalada Muqdisho kaasoo lala eegtay markii labaad goob ganaci oo ku taal Degmada Yaaqshiid halkaasoo lagu xirey  kaamirooyinka qarsoon.

Sidoo kale Degmada Howlwadaag ayaa dhawaan qarax kan la mida lala eegtay markii weerar lagu qaaday super market ku yaal isgoyska Black Sea, waxayna isu geyn noqonayan 3  qarax kuwaasoo dhamantood lagu heysto fulinta amarka Dowlada ee ah in kaamirooyin qarsoon lagu xiro goobaha Ganasiga.

Advertisement

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in bur bur uu soo garay goobtaan ganacsi ee xalay qaraxa lala eegtay taasoo ku taal inta u dhexeysa Isgoysyada Towfiiq iyo Baar-ayaan.

Halka xalay la qarxiay waxay ku dhaw dahay farmashi dhawaan sidaan oo kale loo qarxiyay oo isna ku taal xaafada Towfiif ee Degmada Yaaqshiid.

Afhayeenka Booliiska ayaa xalay mar kale ku celiyay baaqiisa ahaa in la dhameystiro kaamirooyinka qarsoon,isagoona soo hadal qaaday weerarada Alshabab isagoo ku tilmaamay qoshahooda mid laga tan badiyay Dowlad iyo shacaba  islamarkaana la socodsiiyay xirashada kamirada.

XAFIISKA WARAR
DAYNIIILE.COM

Previous articleMaamulka SSC Qaatumo oo hada dhisaya Hay’ada maareynta Masiibooyinka
Next articleDowlada Somalia oo lagu wado in Maanta laga qaado cunuqabateynta hubka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here