Waxaa Qorey.Yaxye Camir
=Fadlan wada akhri, aad ogaatide=
Hadal lagu qoray Qalin Dahab ah, oo ka kooban 25 Qodob oo Mogadishu ay ku cadeeysay Mowqifkeeda, laguna dhajiyay Qolalka fadhiga ee 2 Million Guri, Jeebkana ay ku wataan 3 Million Qof oo loo qeybiyay.
Waxaan wareeystay Dadka Asal deegaanka ah ee Magaalada, Aragtidooda ayaan dhageeystay waan soo ururiyay, Anna waan ku raacay.
Waxa ay Rabaan xaqooda waxa ayna yiraahdeen, Anna aan la qabaa Sidaan:
1. Muqdisho ayaa tiri: waa diiday, Wallaahi in aanan 2024, Cidna u garba duubnaaneyn. Waxaan dhisanaa Maamul iigaar ah. Dadka Deegaanka ayaana soo Xulnaa Xubnaha ay ku kalsoonyihiin.
2. Maqaamkeeyga iyo Dastuur Deegaankeeyga Anigaa Diyaarsaday, Xaq uma leh in ay ka hadlaan, Madaxda Madasha Qaran, Labada Aqal, Dowladda, wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxweynuhu. Magaala kasta ee Somaliya ku taal iyadaa Dhisatay Maamulkeeda. Habkii ay Rabtay ayeyna u dhisatay. Doorasho Qof iyo Cod ah oo Jini iyo insi ka qeyb qalayaan la igu siri maayo. Qofka wax dooranayo iyo kan la dooranaa waa in ay deegaanka noqdaan Labaduba.
3. Caasimad aan Xaqeyga ku weynaa yaan la igu dulmin. Raali ayaan ka nahay in Caasimadda loo raro Borame, Afmadow ama Magaalo kale, iyaguba xaq ayey u leeyihiin in ay Caasimad noqdaan.
haddii lagu weynayo xaqii Dadka deeganaka, 100% raali ayaan nahay ha loo raro meel kale, bal aan aragno cidda yeelee, “Caasimadaa kuu marti ah xaqna malihid” waa Dulmi walaalkaa Somaliya uu ku dulminaa Deegaanka Banadir.
4. Barnaamijkii la hadal siyaasiga ee ka baxay TV SMS somalia 30/10/2023. Wasiirku waxa uu yiri: Shirka soo socdo ee Golaha wada tashiga Qaran waxaa looga hadalaa Maqaamka Mogdishu. June 2024 ayaa la dooranaa Mayarka iyo Maamulka. Isma weydiin Wasiirku yaa xaq u leh. Ma yaa macsharal jini wal insi ayaad rabtaa in ay Xamar mayar ka doortaan? . Kii Hotel degan ee caawa u soo hoyday Magaalada miyaa codeeynaa. Waa kaa diidnay.
5. Horta Golahaan wada tashiga qaran jiritaankooda weli lama horgeyn Baarlamaakna oo shrci ma ahan.
Waxa ayna la wareegeen awoodii Dastuuriga aheyd ee Baarlamaanku lahaa. Warkooda si cad ayaan u diidnay.
Gobaladooda iyagaa kaligood dhistay igalamana tashan. Golahani xaqba uma lahan in ay ka hadlaan Maqaamka Mogdishu, sida Dastuurka ku cad waxaa ka hadli karo labada Aqal. Waase Goormee?.
6. Waa marka Labada Gole ay hor fadhiyaan Dad lagala hadlo Mogadishu oo ay Dadka Magaaldu soo doorteen kadib.
Si kastaba haku yimaadeen ee Madaxda Maamul Gobalada waxaa la yiraa waxaa soo doortay Dadka deegaanadooda. Laakin xamar ma waxaa ka hadlayo, Laftagareen, oo go’aan ka gaarayo, ma Cali guud laawe ma Axmed madoobe, ma madaale ma Dani.
Madaale Dadka deegaanku sooma dooran si uu u matlo, waxaa soo magacaawday Dowladda xatta lagalama tashan Dadka deegaanka. Somaliya waxaa ka dhexeeyo Dal ee Deegaan kama dhexeeyo.
Maqaamka lagama hadli karo ilaa Miiska uu fadhiyo Qof dadka deegaanku soo doorteen oo ay la xisaabtami karaan.
7. Waa in marka hore Mogadishu ay yeelataa Gola deegaan oo sida ay rabaan oo Xur ah ay Dadku u soo xushaan sida Gobalada kale. Golahaas ayaa Dowladda iyo Baarlamanka kala hadli karo Farqiga u dhexeeyo xaqa Deegaanka iyo xaqa caasimadda. Ma ahan Xamar waa caasimad darteed in Dadku ay ku wayaan xaqooda.
8. Waxaa kale oo aan ka digeeynaa qaabka Malaakuuska ah ee Wasaaradda Arrimaha Guduhu ay wado oo ah Degmooyin ayaa wax soo dooranaa. Dalka ma jirto meel degmooyin ay wax soo doorteen ee Qabaa’ilka deegaanka ayaa iska soo xulay xubnaha deegaanka oo qeybsaday. Haddii ay sii wado wasaaradda Arimaha Guduhu, malaakuuskaas, waxii ka yimaado iyadaa ka masuul ah mana ka aqbalayaan Dadka deegaanka ee xaqoodii mustaqbalka la duudsinaa.
9. Wasaaradda ayaa tiri: Doorashaa isku mar laga qabanaa 4 Maamul gobaleed iyo Xamar. Horta yaa xaq u leh in uu codooyo, yaa xaq u leh in uu isa soo sharaxo. Taa horta ha leeysku raaco, yaan been la igu laxawsanin iyo ID-ga cusub ee Siiriyaanka qaxootiga ah aan dadka laga sooci karin. Waan ognahay shirkadii Bakistaanku in ay diiday Qalabkii Lagula heshiiyay in ID lagu daabaco kadibna Ganacsato ay maal gashatay si ay dakhli uga hesho, laguna khasbo Dadka sidii kuwii horena uu fashil ku dhamaado. ID been ah oo aan lagu khasbi karin Dadka Afgoi joogo iyo Gobalada oo Xamar kaliya lagu khasbayo, ma Dadka Magaaladan oo kaliya ayaa la siinaa dhalasho Somalinimo. Kuwa u sameynayo ID-ga Laftoodu Gobalada ay ka yimaadeen kama sameey karaan, mana tagi karaan, iyagaa isku sameeynayo ID ay kula milmaan Dadka deegaanka, Dadkii Deegankana looma ogolo in ay iyagu ID bixiyaan. Hayadda NIRA Dalka dantiisa kama shaqeyso ee isku dir ayeey waddaa.
10. Wadamad qaar Magaalo kasta kama codey kartid waxaad ka codeykartaa magaaladdada. Passport British ah waad qaadan kartaa laakin dhalsho Wales iyo Scottish ah lagu sii maayo.
11. Ayaan hore Jowhar ayaa maamul deegaan loo dhisay waxaa lagu saleeyay Qabiil. Warshiikh oo Xamar dhowr KM u jirto ayaa Hadda loo dhisay Maamul Dadka Deegaanku raali ka yahay, Wasaradda Arrimaha Gudahana lagalama tashan. Xamar maxaa diidayo. Ma in aan damaaci daalim ah aan qanciyaa la iga sugaa. Maya, maya, maya. Taasu waa hertaan ha leysku hoogo.
12. Ma ahan Qofkii Xaqa Mugdishu u doodo oo kaliya in la yiraa Qabyaaladiiste.
13. Sida Wasaaraddu wax ku waddo waa icalaamin dagaal ha leeysku diyaariyo ayaan u aragnaa, waa boob, waa arrin mar kasta soo gucan karto haddii Maanta xaqa dadka la duudsiyo, kama duwano tii 1946 Yuhuudo ay ku boobtay Dhulka Reer Falastiin ee dib ka soo gucatay dhagax tuur ila gantaal tuur, war yaan Magaaladaan Miino loo aasin. Wasaaraddu yeyna Colaad ka dhax abuurin Dadka, waad ogtihiin Caburin Dadweyna waxa ka dhalan karo, Hore waxaan u diyaarinay “Ciidamadii Badbaado Qaran” oo ka hor tagayay Dulmi lagula kacayay Qaranka. Haddana waxaa diyaar ah “Ciidamadii Badbaado Banadir” oo ka hor tagayo Dulmi Dadka deegaanka lagula kaco.
14. Ninkii Xaqiisa Maalin ka tanasulo, Maalmo badan ayuu ka daba ordaa si uu u soo ceshado isaga oo duleeysan.
15. Ka caasimad ahaan Dadka oo dhan ayeey ka dhexeeyaa, ku ganacso, deegaan ka dhigo, Madax Qaran ku noqo, Wasiir, Madaxwweyne Qaran, wixii aad doonto, laakin Maamulka deegaanka dowlad Gobaleedka waxaa iska leh Dadka Deegaanka oo kaliya.
16. Aan iska dhaafno federaalka ee Dadka deegaanka Mogadishu u ogolaaw in ay ka mid noqdaan, madaxna ka noqdaan deegnada Gobalada kale sidii hore ama iyagana u ogolaaw xaq la mid ah kan kuwa kale.
Mogadishu kaliya ma ahan, ma ogoli in Marko, Afgoi, Baardheere, Burco in ay wax ka noqdaan Dad aan deeganka aheyn inta aan federaal nahay ama aan u wada guurno nidaam aan Feseraal aheyn oo na wada siinaa Xuquuq Deegaanadu naga wada dhexeeyaan.
17. Ma ogolin, waana ka hor tageynaa in Xaqeena nalagu hor qaato, waana aaminsanhay in jawaabta ay mudan tahay aan ka bixi karno, haddiise ay dhacdo in awood Dowldeed iyo doqon iyo dhuuni raac Annagaa naloo adeegsado. Waa un sida Falastiin, fariinta is xureeynta waxaan u gudbineynaa caruurteen, Anaguna jooji meyno Dagaal iyo Aragtida Xaqa ah.
18. Dad badan ayaa hadaad xaqaaga sheegato ku leh Qabyaaladiiste ayaad tahay haddii isagu uu tiisa sheegtana waa Wadani, taasi na niyad jabi meeyso, xaqeenana uga tagi meeyno mid horor ah oo rabo on uu nagu qanciyo (Teeyda Anigaa leh taadana kula lihi) .
19. Caasimaddu waa naga dhexeeysaa laakin deegaanku nagama dhexeeyo iina dhisi meeyaid Maamul Aniguba aan dhisa karo. Hal Calan ayaa naga dhexeeyo laakin Gobal kasta Calan u gaar ah ayuu sameeyatay. Muqdishu waxa ay leegahay Calan u gaar ah oo Guduud iyo Buluug ah iyo Astaan u gaar ah, igu ixtiraam in aan keeyda u madaxbanaanaado. Qolo waliba Maalin ay Maamul Gobaleedkeeda u dabaal dagto ayey leedahy, anna aan u dabaal dego maalinta Gobalka Banadir.
20. Dowlad gobaleed ma ihi, Banadir waa hal Gobal oo kaliya waa maamul deegaan, horaa Labada shabeele looga jaray haddii midkood uu nala midoobo kadib ayaan noqoneynaa Dowlad gobaleed oo aan sameeysaneynaa Baarlamaan naga dhexeeyo oo aan si siman oo cadaalad ah ugu midowno Labadii Shabeele midkood, waan sugeynaa kii si cadaalad ah wax noogu darsanaa, Annaga oo weliba og in aan sidaan ku noqon karno Dowlad Gobaleed buuxdo kana Dad badan Dowlad Gobaleedyada qaar.
21. Cashuurtiisa Gobal waliba isagaa leh. Dhalkhliga Dekedaheena anagaa leh, wixii Dowladda dhexe xaq noogu leedahay ayaan dhinaceena ka bexeeynaa saamiga Gobaldu bixiyaan oo kale ayaa la iga rabaa, haddii cashuur badan aan bixinaa waa in aan ku hela xuquuq gaar ah. Mid aan Dowladda dhexe Dhaqaale ku darsan oo aan Anigu Shaqaaleeyo Dadkiisa ayaa i leh Maamul kuu gaar ah dhisa ma kartid iyada oo aan la igala tashan, kaaga ma igala tashatay.
22. Qof aan qabiil aheyn somaliya ma joogo, xataa xoolaha Calaamda qalbiilka ayaa noogu taal. Hadda jinsiga Somaliga waxaa lagu noqdaa Qabiil. Yurub waxaa lagu noqdaa Warqad, xatta Reer Yurub hadey ku siiyaan Warqadooda lama mid ihid muwaadinka runta ah ee Reer Yurubka Asalka ah. Halkaan Qof kasta waxa ay qoratay xamar ayaan ku dhaldhay. Isga dhalo, laakin kan uu deegaan u yahay lama xaq ihid. Waxaan diyaar u nahay in aan Dhiig ku bixino si aan u difaacno xaqeena, Sida ummadaha kale.
23. Dhaqanka Dadka deegaanku waa:
a) in aynan degaan kale lagu duulin ( Dalka Difaacii diidi maa, iidoor ku duulna dooni maa)
b) Xaqeeygana ka tagi meyno, Duulaan Dalka Dibadda uga yimaadna kaaga seexa maa. ( Sarteeteeydu saataneey u taal Subacna kaaga seexamaa)
c) Dadkii ugu horeeyay ee Alla deegaan uga dhigay Gobalkaan ayaan nahay, Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil ayaa yiri: (Daluugaa ku tiil Xamar markaan Daaro ku leheyn)
24. Ma ahan in aan diidanahay dowladda jirto Siyaasadeeda laakin Dowldani weligeed jirimee, ma ahan in ay xuquuqdeyda sarifato. Dadka deegaanku hadeeynan ila fahmin xaqa ka maqan? Maalin ayey xasuusan doonaan hadalkeeyga, caruurtooda iyo faracooda dambe ayaa inkaari doono, kuna eedey doono doqonimada ay qaateen Waalidiintood.
25. Walaoow, ha i dulmin ku dulmi maayee, Duul iiga kaa daran oo Dalka duulaan ku ah ayaa jiree.
Warqadaan oo daabacan ayaa ku dhagan Qolalaka fashiga in kabadan 2 Million oo Guri oo ay degan yihiin Dad Xaqooda aan laga Dafari karin.
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar
Qore: Yahya Amir
May be an image of 1 person and textMay be an image of 1 personMay be an image of camel and textNo photo description available.May be an image of 1 person, camel and monumentMay be an image of 2 peopleNo photo description available.May be an image of 5 people, street and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 2 people and monumentMay be an image of 7 peopleMay be an image of ‎1 person, car and ‎text that says "‎سباق عالمي للسيارات أقيم في العاصمة مقدیشو عام 1938 مقدیشو في كل زمان شمسها ساطعة BELCO‎"‎‎May be an image of the Western Wall and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of monument and textMay be an image of 4 people and text that says "Immi Somalia Mogadiscio Nel recinto della Dogana"May be an image of 9 people and textMay be an image of textMay be an image of 1 person and textMay be an image of text that says "Cinema Italia Mogadishu 1929 CINEMA ITALIA"May be an image of castleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 4 people and textNo photo description available.May be an image of 4 peopleMay be an image of textMay be an image of castleMay be an image of 7 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 8 people and streetMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and hospitalMay be a black-and-white image of the Gateway ArchMay be an image of text that says "SEP"May be an image of textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and text that says "Mogadishu 1930s ១ di Ricerca e Documentazione Docum Storica"May be an image of monumentMay be an image of 2 people and text
Previous articleMaxaad kala socotaa Geerida Gabar reer Geddo ah iyo sheekada ku gadaaman
Next articleShirkada Hormuud oo ka cabaneysa Nabad-sugida Nisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here