Caamiroyinkan oo u shaqeya sida cctv yada caadiga ah Ayaa sahlaya in Ay soo Gudbiso wax Alaala wixii ka socda halka lagu xirey ayagoo maqal iyo muuqaal ah

Sida xogaha aan ku helaya waxaa hada si Durdur ah u iibsanaya hotelada magalada muqdisho kuwaasoo ku xiraya qolalka ay macaamishoda ka kireeyaan waana arin halisteeda iyo Walwalkeda leh Hadii aysan ka hortagin Dowladda somalia

Caamiradan Aadka u yar yar waxaa laguugu soo dhajin karaa Alaabaha Hadiyadaha la iskugu keeno sida “Sacadaha guriyaha la dhigto, Frame yada guryaha lagu sharaxdo,Ubaxyada iyo shey walba oo aad adiga xiiseyso.

sido kale waxaan Siyaasiyiinta somaliyed ku boorinayaa in ay hubiyaan xafiisyadooda iyo Guryahooda waayo caamiradan waa wax qof markusoo booqdey uu gurigaada Ama xafiiskada dhex dhigi karo Waqtiyada aad shirarka iyo danaha qaaska ah aad leedahay waana caamira aysan isha qabin karin.

FG: waxaa jira Qaabab fudud oo aad ku ogaan karto caamiradaan hadii aad ka shakisay qolka aad hotelka ka kireystay ama xafiiskaada Qofkii ubaahan waan ka caawinayaa insha Allah.

~ Moha Wadani Moha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here