HomeWarkiiMUQDISHO : Xildhibaan Firinbi oo Axmed Madoobe ka codsaday inuu laayo ciidamada...

MUQDISHO : Xildhibaan Firinbi oo Axmed Madoobe ka codsaday inuu laayo ciidamada Dowlada ee Geddo ku sugan 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan Xassan Firinbi oo magaalada Muqdisho kula hadlayay warbaahinta ayaa eedeyn ba’an u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Xasan Firinbi wuxuu Madaxweyne Xassan ku eedeeyay inuu sabab u yahay burbur-ka ciidamada macawisleyda sidoo kale wuxuu sheegay inuu noqon rabo madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaali ah 1960-kii kadib oo qabsada doorasho uu isagu wato.

Firinbi mar uu ka hadlayay xaalada  Magaalada Balad-xaawo oo Dowladu ka taliso ayuu ugu baaqay Madaxweynaha Jubaland inuu amar siiyo ciidamada maamulkiisa si ay u laayaan oo u soo afjaraan jiritaanka ciidamada Dowlada ee ku sugan Magaalada Balad-xaaawo.

“Axmed Madoobe waxaan leeyahay dagaal qaad, oo fasax ciidanka , Gedo ha soo afjareen sidii ay Raaskaanbooni u soo afjareen”ayuu yiri Xildhiban Firinbi

Mudanahaan oo ka tirsan Baarlmaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xassan in laa dhaxlay,Somaliland oo la leeyahay waa la aqoonsan rabaa,Dowlad Goboleedyada oo kala tagay, macwisley oo sii baaba’eysa.

“Madaxweyne Xassan waxaan leeyahay dadka soomaaliyeed inta hartay hakala dirina waxaa kula dar daarmayaa”ayuu yiri Xildhibaanka

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -