Waxaan arkay Muuqaal laga duubay Wasiir ama Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo aad u ammaaneysa Madaxweyne Farmaajo weliba si kabadbadis ah. Waxaa kaloon arkay CBB aad u badan oo soo xiganaya iyagoo leh Maamo Khadiijo ayaa sidaas tiri. Haddaba waxaan rabaa inaan idiin sheego in Khadiija Maxamed Diiriye aysan dhab ka ahayn warka ay sheegeyso, balse ay dan leedahay markey teeda fushatana ay ugu horreyn doonto kuwa kacodeynaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Khadiija Maxamed Diiriye sida taariikhda lagu hayo weligeed uma codeyn Madaxweyne ay hal teeram wada dhameysteen. doorashadii Imbagaati waxay wada socdeen Cabdiqaasim waxayna u codeysay Cabdullaahi Yuusuf. doorashadii 2012 Waxay wada socdeen Shariif waxayna u codeysay Xassan Sheekh. doorashadii 2017 Waxay wada socdeen Xassan Sheekh Waxayna u codeysay Farmaajo. Dhammaan Mas’uuliyiinta aan soo sheegay ee ay kacodeysay sida dad aan kukalsoonahay oo xildhibaanno ah ii sheegeen waxay kawada qaadatay dhaqaalo iyadoo u sheegtay iney codkeeda iyo codad kalaba siin doonto.

Waa maxay danta Maamo Kadiijo weli kaleedahay Madaxweyne Farmaajo?

Maamo Khadiijo waxay kabaqeysaa in markii ugu horreysay ay weyso Kursiga xildhibaan nimo ee beesheed, kaas oo ay kufadhido 20 sano, Maaddaama siyaasadda Farmaajo ay tahay inuu waaweynka kubeddesho yar yar CBB ah, waana tan kukalliftay iney idaacadda soo fadhiisato oo ay odaga ammaan huwiso Maaddaama ay aad u baratay ogaatayna inuu jecel yahay ammaanta.

Abdirizak Mohamed Kabayare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here