Dilal la yaab leh ayaa ka dhacay dalka Kenya meel caasimada ka baxsan kadib markii is qabqabsi sigaar ka dhashay uu keenay in la isu gacan qaado.

Laba nin oo kenyaati ah ayaa dhacdadaan ku dhimatay sida ay sheegtyay Idaacada Star FM ee Dalka Kenya Kadib markii nin sigaar watay uu la soo fadhiistay meel uu fadhiyay nin kale kaasoo dalbaday in sigaarka uu ka qaado.

Advertisement

Ninkii sigaarka watay ayaa diiday inuu damiyo ama kala tago meesha ninkaasi fadhiyay taasoo keentay inuu Tooreey xabadka ka geliyo kii sigaarka watay sidaasna uu ku dhintay.

Dilka labaad ayaa yimid markii koox kale oo saaxiibo la ah kan la dilay ay iyagiina dileen kii hore wax u dilay.

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa soo gaaray goobtii ay ka dhacday arinta oo xeeb ahayd waxayna qaadeen labadii meyd islamarkaana ku rideen talaajad inta baaritaanku socdo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here