Muqdisho (dayniiile.com)- Allaha u naxariistee Najiib Maxamed Xuseen oo ahaa ganacsade gaari gacan ku iibinayay Rooti ayaa caawa maqribkii waxaa lagu dilay Xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee Duleedka Muqdisho.
Wararaka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in loo dilay 5kun shilin Soomaali xili uu watay gaari gacanka uu ku iibiyo rootiga.
Wararka waxay tilmaamayaan in askari hubeysan uu dilay ninkaasi muruqmaalka ah xili uu ka rabay lacag 5-kun shilin Soomaali ah taasoo ahayd baad balse markii uu ku yiri ma heysto ayuu rasaas ku dhuftay sidaasna uu u geeriyooday.
Dadka deegaanka ayaa meydka bac ku asturey inta ehalkiisa ka imaanayeen iyadoo gaadiidka dadka weynaha iyo dadka dhulka taaganba ay maqribadii arkayeen meydka oo laamiga geeskisa laga sii qaadayo.
Ciidamo Dowlada ka tirsan ayaa goobta soo gaaray kuwaasoo ka qeybqaatay qaadista meydka oo intaan ehelkiisa lagu wareejin maraya baaritaan CID-da.
Gacan ku dhiiglaha oo ah askari Dowlada ka tirsan ayaa baxsaday waxayna dalbatay hooyada dhashay marxuumka in cadaalada la hor keeno.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM