Muqdisho (dayniiile.com)-Kulankii maanta ay yeesheen Xildhibaanada labadooda aqal ayaa looga hadlay laguna ansixiyay arimo kala duwan sida miisaaniyad sanadeedka Dowlada iyo Mushaar kordhinta xildhibaanada.

Xildhibaanada labada aqal markii ay ansixiyeen misaaniyad sandeedka Dowlada ayay sidoo kale miiska soo saarteen mushaar kordhintooda,ugu danbeyna waxay ansaxsadeen in mushaarka loo kordhiyo.

Advertisement

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxay hore u qaadan jireen $3,500 waxaa maanta lagu kordhiyay $1,500 taasoo ka dhigan inay hada kadib qaadan doonaan xildhibnaan kasta $5,000.

Talaabadaan Mushaar kordhinta ayaa ku soo aadeysa xili isla maanta Hay’ada Maareynta Masiibooyinka ku dhawaaqday inay soo wajahday dhaqaale la’aan islamarkaana ay la’yihiin dhaqaale ay raashinka ugu daabulaan Gobolada Dalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWarbixinta Hay’ada Maareynta Masiibooyinka iyo Tirakoobkii ugu dambeeyay ee dhimashada
Next articleDuqa Muqdisho oo Damaanad qaaday Caafimaadka Wiil Qaranka Dartiis u nafoobay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here