Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in anay aqbali doonin sharci daro.

Cirro waxa uu sheegay in maxkamadu amartay in lagu dhawaaqo wakhtiga doorashada, isla markaana loo baahanyahay in guddida doorashooyinku anay ka leexan waajibkooda.

Advertisement

“Doorashadii way dhowdahay, koomiishankana shalay waxa lagu yidhi waajibkiina guta, maxkamadu way amartay, koomiishankana waxaanu leenahay hadii ay mar idinka xumaatay mar labaad yayna idinka xumaan” ayuu yidhi Cirro.

Cirro dhanka kale, waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan anay aqbali doonin talaabo kasta oo sharci daro ah “Waxaanu cid walba u sheegaynaa, wax sharci daro ah yeelimayno, doorashadii aynu u diyaar garowno”.

Guddida doorashooyinka ayaa dhawaan la filayaa in ay ku dhawaaqdo wakhtiga rasmiga ah ee doorashooyinka iyo doorashada soo horaynaysa.

Previous articleKooxo visayaasha been abuurka ku sameeyo oo Maxkamad gobolka Banaadir la soo taagay
Next articleGuddida Doorashooyinka Somaliland oo sheegay in ay dhawaan ku dhawaaqayaan wakhtiga doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here