HomeWarkiiMusharax Jamaal oo maanta talaabadii ugu fiicneyd u qaaday ol-olihiisa xil raadinta.

Musharax Jamaal oo maanta talaabadii ugu fiicneyd u qaaday ol-olihiisa xil raadinta.

May be an image of 3 people and daisLAASCAANOOD (DAYNIILE.COM)-Musharaxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Somalia Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ah kuwa ugu cad cad uguna caansan ee u tartamaya xilkaan ayaa maanta qaaday talaabadiisii ugu wanaagsaneyd ee dhanka u ol-oleynta xil raadintiisa tan iyo markii la doortay Gudoonka  Baarlamaanka maalin ka hor.
Musharax Jamaal ayaa maanta si gaar ah ula fadhiistay Xildhibaanada reerkiisa Warsangeli ee kuwaasoo laga soo doortay Gobolada Sanaag iyo Heyland xili maalmo ay naga xigto doorashada  Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari
Musharaxa ayaa sheegay inuu kala hadlay xildhibaanada uu la kulmay sidii ay isaga warsan lahaayeen mar xalada doorashada ee dhawaan la galayo.
“waxaan si gaar ah uga hadalnay fursadaha, iyo caqabadaha ku geedaaman guud ahaan deegaannada Waqooyi Bari, gaar ahaanna Gobolada Sanaag iyo Haylaan”ayuu yiri Danjire Jamaal
Musharaxa wuxuu sidoo kale sheegay inuu kula dar-daarmay inay wax walba ka horumariyaan midnimada iyo wadajirka shacabka iyo siyaasiyiinta Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 8 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people, beard and text that says "Sprife"May be an image of 5 people, table and daisMay be an image of 5 people, table, dais and textMay be an image of 5 people, beard and daisMay be an image of 2 people, beard, suit and weddingMay be an image of 2 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -