Ex-Ra’iisal Wasaare Xasan ugu horayn wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo u hayaamay dalka dibaddiisa halkaas oo uu ka soo sameeyey horumar waxbarasho iyo mid nololeed oo isku filan kadibna dibadda uga soo guryo noqday sidii uu ugu soo dhowaan lahaa meel uu dadka Soomaaliyeed ka caawin karo. wuxuuna ka shaqeeyey hay’ado samafal caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo bina aadaminimo gaar ahaan kuwa qaabilsan bariga Afrika iyo Soomaaliya. muddadaas uu joogay xafiisyadda hay’adaha shisheeye Mudane Xasan Ali Khayre wuxuu bixiyey mashaariic iyo adeegyo badan oo aadaminimo oo si hufan u gaadhay inta badan gobolada dalka oo ay ku jirto Soomaaliland, wuxuu kaloo noqday Agaasimaha hay’adda Som oil xiligii dawladdii Madaxweyne Hassan Shiikh Maxamud.

Mudane Xasan Isaga xog badan ka haysta duruufaha dhaqan, dhaqaale, amni iyo siyaaso ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed ku jiraan ayaa waxaa loo magacaabay Ra’iisal Wasaarihii dalka.
wuxuunna noqday Ra’iisal wasaarihii ugu mudada dheeraa ee Soomaaliya soo mara muddaddii burburkii kadib iyo ka hor, isagoo xafiiska fulinta qaranka hoggaamiyey muddo saddex sano iyo bar ah.

Waxaa magacaabay Xasan Ali Khayre 23 February 2017 oo ay wada shaqeeyeen Madaxweynihii muddo xileedkiisu dhammaaday February 8, 2021 Maxamed Abdillaahi Farmaajo

Markii Madaxweynuhu ka aqbalay Ra’iisal Wasaaraha magacaabistii liiska golaha xukuumadda ee uu soo dhisay waxaa lagu wargeliyey shaqooyin badan oo xukuumadda iyo xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu qabashaddeedda leeyahay in ay baaqi ku sii ahaan doonaan xafiiska Madaxweynaha.

Dhanka kale wuxuu dhaxlay Khayre hay’addo dawladdeed oo aan lahayn hannaan shaqo oo isku xiran, waxay ahaayeen kuwa magaca guud wasaarado ka ah balse ma lahayn qaab dhismeed shaqo oo mideeya. sidoo kale ma jirin qorshe dal ama hiigsi yoollal shaqo leh oo Madaxweyne Farmaajo iyo xafiiskiisa ku wareejiyeen xukuumadda cusub iyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Khayre isagoo ka duulaya maah maahdii Soomaaliyeed ee ahayd “afeef hore lahaw ama adkaysi danbe! wuxuu maray dhaqanka wanaagsan ee tanaasul iyo wada shaqayn ku dhisan, isagoo ka tegey qodob dastuuriya oo awoodihiisa shaqada tilmaamaya! hadda ogoobeey halkani waa meesha Madaxweyne Farmaajo ka soo bilaabay dastuur jebintiisii koowaad waayo wuxuu ku xadgudbay oo farageliyey waajibaad shaqo oo dastuuriya oo xukuumadda u gaar ah!

Mudane Ra’iisal Wasaare Xasan oo ah nin shaqsi ahaan karti iyo hal abuur badan halkaas ayuu ka bilaabay xil gudasho iyo waajibaad dawlad shaqada ay qabanayso cayiman tahay.

Ra’iisal Wasaaraha iyo xukuumaddiisu iyagoo raacaya tubo shaqo oo cadcad oo xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu la yimi ayey bilaabeen shaqo qaran oo markiiba ka miro dhalisay gaadhista iyo horumarinta yoolashii shaqada.

Kuwani waa hal abuurkii iyo curintii Khayre oo dib u habayn iyo qaabayn muuqata Ku sameeyey hay’adihii dawladda ee kala daadsanaa, si loo helo hay’ado dawladdeed oo karti u leh fulinta himilooyinka cusub ee xukuumadda, wuxuunna ku maamulay hoggaamin gacan adag oo karti iyo hufnaan leh oo markiiba bulshada Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii soo jiitay. wuxuu kasbaday quluubta shacabka Soomaaliyeed oo markii dameeray marshada Ra’iisal Wasaaruhu geliyey mashiinkii dawladdnimadda ee fadhiidka ahaa.
taas oo kaliftay in Madaxweynuhu dib ugu celiyo Ra’iisal Wasaaraha xafiiskiisa iyo xukuumadda dib u habayntii ciidamada oo uu wadi kari waayey Madaxweyne Farmaajo.

Hagaajinta iyo daba qabashada siyaasaddii bilowgii hore xafiiska Madaxweynuhu ku wajahay maamul goboleeddada dalka oo shaqayn wayday oo Khayre badh qabtay, diyaarinta hannaankii dhaqaalaha waddanka oo sababay inuu soo dedejiyo kalsoonidda Beesha caalamka ee deyn cafinta Soomaaliya oo ahayd mid loo riyaaqday oo loo bogay hannaankii xukuumaddu u wajahday nidaamkii dib u dhiska dhaqaalaha waddanka, dawladdiina noqday mid bixisa si joogta ah xuquuqdii shaqaalaha rayidka ah ee dawladda iyo ciidamada si joogta ah.

Ra’iisal Wasaare Khayre muddaddii uu shaqadan wadday wuxuu ku hoos shaqeeyey Hoggaan siyaasaddeed oo qalafsan, dul qaad yar, waxna aan ka tanaasulin. wuxuu meel iska dhigay in aannu waxba ka soo qaadin caqabad kasta oo dhanka wada shaqaynta madaxweynaha iyo isaga dhex timaada, sidoo kale wuxuu ilaaliyey in aan dadka Soomaaliyeed marnaba maqal ama dareemin khilaaf dhex yimaadda isaga iyo madaxweynaha waayo wuxuu ka dheeraaday inuu ku mashquulo annaa tan xaq u leh inaan qabto iyo annay gaar ii tahay!

arrinta kale ee ammaanta iyo boggaadinta mudan ee Khayre sameeyey wuxuu tirtirey dhaqankii soo jiraanka ahaa ee khilaafka labada xafiis dadka Soomaaliyeed uga barteen iyo mooshinnadii laga shaahi jiray ee goleyaasha dawladda gaar ahaan Baarlamaanka shaqada ka dhigan jireen!.

dhanka kalenna musharax Madaxweyne Khayre wuxuu ka hor yimi aragtidii Madaxweynaha ee doorashada dalka in lagu galo qof iyo cod maadaama aan dalku u diyaarsanayn doorasho qof iyo cod oo wax badan oo hannaankaasi u baahnaa aan la diyaarin ayaa wuxuu soo jeediyey in la ixtiraamo heshiisyaddii siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore u gaadheen in 4 sanno oo kasta dalka doorasho heshiis lagu yahay laga qabto iiyadoo taas loo marayo sida uu qabo qodobka dastuurka ee muddada xil haynta Madaxweynaha taas oo ku dhammaatay sidii Khayre soo jeediyey ee ahayd in doorashada loo galo heshiis siyaasadeed oo laysla ogolyahay si amniga guud ee waddanka aannu dib ugu noqon.

Maanta waxaa markhaati laga yahay hubanti la’aanta ka taagan hannaankii doorashaddu inay qabsoomto iyo in kale meesha ay ku dhammaanayso.

Jaalleyaal Xasan Cali Khayre wuxuu ahaa shaqsi kulansaday hoggaamin adadayg leh, karti iyo hufnaan. Hawl karnimo iyo daacadnimo mas’uuliyaddeed, Ku dhac iyo go’aan qaadasho, ku dhiirasho iyo meel marin wuxuu rabo, u tudh iyo u tanaasul dadka Soomaaliyeed dartood. xiriir furnaan iyo saaxiibnimo. gacan furaan. aaminsanaanta saraynta hannaanka dawladnimadda iyo difaaceedda. Lahaansho hiigsi iyo horumar ummaddeed. Mudaneyaal musharax Madaxweyne Xasan Ali Khayre wuxuu is taahilaa in loo doorto jagada Madaxtinimadda waddanka inuu hoggaamiye 4 sanno ee soo socota tanaasul badane.

Qore Xildhibaan Faysal Cabdule Guuleyd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here