W/Q Thabit Abdi Maxamed
Waa wax aad looga naxo in caruur, waayeel, hooyooyin iyo shacabka reer #Beledxaawo saqdhexe hurdada looga toosiyo rasaas aan loo aaba-yeelin oo wiillal walaallo ah la isugu dhiibay, iyada oo cadowgii argagixisada u dheer tahay.

Waxaan aad u cambaareynayaa dagaalka Beledxaawo, waxaana ku baaqayaa in shacabka loo turo, dhib kale uma uusan harin.

Dhanka kale, waa in DG Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ay xaaladda cakiran uga sii darin. Wax yaabaha la isku maan-dhaafsan yahayna miiska wadahadalka lagu maareeyo oo dagaal marnaba uunan xal aheyn. Wadahadal waa lama huraan.

Allaha u raxmado intii ku dhimatay, dhaawacana Allaha u booga dhayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here