Waxaa daqiiqado kahor isoo gaartay geerida Allah ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib oo ahaa Reysul wasaarihii iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya. Waxaan qoyska reer Carte Qaalib iyo dhamaan ummadda soomaaliyeed la qeybsanayaa dareenkeyga murugada leh ee ku aadan geeridaas naxdinta leh, waxaana tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan bahweynta ku abtirsata isirka Soomaaliyeed.

Cumar Carte Qaalib wuxuu ahaa mid kamid ah diblomaasiyiintii ugu cuslaa, ugu saameynta badnaa uguna galgalka badnaa ee soo mara taariikhda gayiga Soomaalida, tan geeska Afrika iyo dunida Muslimka. Waxaa maanta qaarada Afrika iyo dunida Muslimka ka dhisan ururro iyo hey´ado uu fikirka sameyntooda Cumar lahaa, ama uu aas-aaskooda gacan libaax ka geystay.

Ilaahay naxariisa janno ha siiyee Cumar Carte Qaalib waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ahaa dowlad yaqaan, dad yaqaan iyo dal yaqaan, barre, tusiye iyo hogaamiye heybad iyo han weyn leh, kaas oo taariikh dhaxalgal ah uga tegay jiilasha Soomaaliyeed ee xiligaan nool iyo kuwa mustaqbalka dhalan doona.

Inaa Lillaahi waa inaa Ileyhi Raajicuun, Naf walba waa tii geeri dhadhamisa.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here