War wanaagsan ma aha runtii fashilka ku yimid Shirkii wadatashiga Qaran oo looga arinsanayay Doorashada Dalka, Shirkaasi oo dhammaan umadda Soomaaliyeed ay si weyn ugu dhaga taagayeen in natiija wanaagsan ka soo baxdo.

Waxaan aaminsanahay fashil walba oo ku yimaada shirkaasi in ay leedahay Dowlada Federaalka ah gaar ahaan Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdilahi Farmaajo, maadama waxyaabaha caqabada ku ah in la gaaro heshiis doorasho oo loo dhanyahay uu isaga sabab u yahay.

Waxaan soo jeedinayaa Bulshada Soomaaliyeed ee isugu jirta Siyaasiyiinta, Bulshada Rayidka, Culimada, Dhaqanka, Haweenka iyo Dhalinyarada in ay u istaagaan sidii loo wada badbaadin lahaa Dalka, isla markaana loo heli lahaa doorasho loo wada dhanyahay oo xor iyo xalaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here