HomeWarkiiMusharax Shirdoon Saacid oo Asmara kula kulmay Madaxweynaha Eritrea

Musharax Shirdoon Saacid oo Asmara kula kulmay Madaxweynaha Eritrea

ASMARA (DAYNIILE.COM)-Musharax Madaxweyne Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo uiu wehliyo gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thabit Cabdi ayaa magaalada Asmara waxay kula kulmeen Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk .

Kulanka oo wajiyo badnaa ayaa muhiimadiisa wuxuu daaran yahay ka hadalka xaalada Somalia iyo damaca musharaxnimo ee Shirdoon Saacid inkastoo waxyaabaha la shaaciyay ee laga wada hadlay waxaa  ka mid ahaa muhiimadda xariirka gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal ee geeska Afrika ka wada tirsan.

Musharx Saacid Shirdoon waxaa lagu tirayaa inuu ka mid yahay musharixiinta ugu cad cad ee loo saadaalinayo inay tartan adag oo dhanka doorashada wada geli doonaan inkastoo xilka ku guuleysigiisu ku xiran tahay hadba sida musharuxu u diyaar garoobo, taageerada uu caalamka ka heyso iyo waliba taageerada xildhibaanada Soomaalida ee wax dooranaya,

Siyaasigaan oo hore dalka uga soo noqday Ra’iisulwasaare ayaa ah musharaxa ugu badan ee hada kulamada dalka dibadiisa ku firfircoon tasoo qeyb ka ah dhaq dhaqaaqyada lagu isku muujinaayo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 3 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -