Musharax xanuunka Carona u geeriyooday 2 todobaad ka hor oo doorasho lagu soo doortay duq magaalo oo ka dhacday dalka Romania.

0

Musharax xanuunka Karoona u geeriyooday 2 todobaad ka hor ayaa ku guulaystay doorasho lagu soo dooranayay duq magaalo oo ka dhacday dalka Romania.

Ninkaan geeriyooday 2 todobaad ka hor oo la oran jiray Ion Aliman ayaa helay 64% codadkii dadku dhiibteen waxaana uu ku guulaystay asagoo geeriyooday duqa magaalada Devesuluu la yiraahdo oo ku taala koofurta dalka Romania.

Guddiga maamulaya doorashadaan waxay sheegeen in musharaxaas geeriyooday aanba laga saarin liiska musharaxiinta markii uu geeriyooday taasna ay keentay in dadku u codeeyeen ayagoo inuu nooleyn.

Guddigaan waxay sheegeen in doorashadaan lagu celinayo.

Taageerayaashiisa ayaa booqday qabriga Ion Aliman kadib markii lagu dhawaaqay natiijada guushada.

Sanadkii 2008 sidaan oo kale dadka ku nool magaalo ku taala waqooyi bari dalkaas Romania ayaa duq magaalo u doortay siyaasi geeriyooday kadib markii lagu soo daray liiska musharaxiinta kursigaas u tartamaysay

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here