Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre hadana ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ku dhintay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Afrik.

Kheyre ayaa sheegay in General Galaal uu kamid ahaa saraakiishii ugu aqoonta, tababarka iyo darajo sareysay ee hogaamin jirtay ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee lagu tilmaami jiray libaaxyadii Afrika.

”General Galaal wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu aqoonta, tababarka iyo darajo sareysay ee hogaamin jirtay ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee lagu tilmaami jiray libaaxyadii Afrika. Wuxuuna sanadihii ugu danbeeyay ee noloshiisa ahaa odey waayo arag ah oo kaalin muuqato ku leh nabadeynta iyo dhab u heshiisiinta bulshada. Si gaar ah waxaan ugu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay dhismaha maamulka Galmudug-ta cusub iyo isku soo dhaweynta dadka deegaankaas ku nool.” ayuu yiri Kheyre.

Musharax Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday dowlada Federaalka ah iyo Hoggaanka Ciidanka Soomaaliyeed  in maamuus sare iyo sagootin halyeey-qaran loo sameeyo duugta General Maxamed Nuur Galaal.

Dowlada Soomaaliya ayaa la filayaa in aas qaran u sameyso Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa saraakiisha milatariga Soomaaliya, waxa uuna xilal kala duwan Galaal kasoo qabtay ciidanka milatariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here