Waxaan Hambalyo u diriyaa Maryan Cabdi Xuseen oo caawa noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee kamid noqda baarlamaanka dalka Norway. Maryan ayaa dhigtay taariikh muhiim ah, maadaama ay noqotay gabadhii ugu horeysay ee muslim ah oo iyada oo xijaab xiran ka dhex muuqan doonta golaha sharci dajinta dalka Norway.

Maryan Cabdi Xuseen ayaa inta aysan siyaasadda galin aheyd gudoomiyaha Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha dalka Norway( Somalisk Student forening, SSF) oo aan anigu kamid ahaa dadkii aas-aasay 1993, aana kasoo noqday Gudoomiye. Ururkaas oo 28-dii sano ee lasoo dhaafay noqday warshad soo saarta dadka tayada leh oo ka dhex muuqda Jaaliyada Soomaalida Norway iyo caalamka intiisa kaleba.

Xildhibaanka cusub iyo dhamaan Soomaalida kunool Norway, waxaan u diriyaa hanbalyo ku aadan guusha taariikhiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here