Musharax Madaxwayne xassan cali khayre ayaa ka baaqday ka qayb galka kulanka ra’isul wasaare rooble iyo midowga musharixiinta, Khayre ayaa wakiishay Xibnaha kale ee Midowga,

Arinkaan ayaa salka ku haya sida loo badinayo diidmadii ra’isul waaare rooble diiday in uu xilka kala wareego khayre markii rooble loo magacaabay xilka ra’isul wasaaraha, taasoo ahayd xadgudub sharci ah iyo mid khayre u arkayay khalad wayn oo laga galay.

Xubnaha midowga musharixiinta ayaa desaal u galay in khayre lagu qanciyo kaqaybgalka kulanka, balse xassan khayre ayaa illaa hada u sheegay musharixiinta kale in ay iyaga wakiil kayihiin wixii lagu heshiiyana qayb kayahay, balse uusan diyaar u ahayn in uu kulanka ka qayb galo,

Wada hadal ayaa socda weli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here