Inaa lilaah waa inaa ileyhi raajiciin, waxaa isoo gaartay geerida Allah u naxariistee General Cabdullaahi Xaaji Maxamed Ceynte oo ahaa hogaankii hore ee ciidamada xoogga Qaranka Soomaaliyeed.

General Cabdullaahi Xaaji ayaa tan iyo sanadkii 1970-kii xilal iyo shaqooyin kala duwan kasoo qabtay ciidanka XDS, wuxuuna horey usoo noqday madixii xiriirka arrimaha dibadda ee ciidamada XDS, isaga oo sanadihii ugu danbeeyay ahaa taliye ku-xigeenka howlgalada ay ku mideysanyihiin ciidamada. Wuxuuna dhanka kale qeyb weyn ka qaatay dib u habeyntii iyo dib u dhiskii aan ku sameynay ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Waxaan Qoyska General Cabdulaahi, ciidamada XDS iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedba, uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Generaalka. Waxaan Ilaahay u weydiinayaa inuu siiyo naxariis janno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here