Qodobka 20-aad ee Dastuurka KMG, ayaa xaq aasaasi ah u siinaya muwaadin kasta inuu abaabuli karo, kana qeyb gali karo kulan ama bannaan bax nabadeed oo cabasho lagu muujinayo iyada oo aan loo baahneyn wax ogolaansho ah.

Sida ay Midowga Musharraxiinta horey u iclaamiyeen, waxaan maalinta Jimcaha ah ee soo socota Taariikhduna ku beegan tahay 19-ka Febraayo hoggaamin doonaa bannaan bax nabadeed oo lagu dalbanayo inay dalka ka dhacdo doorasho la isla oggolahay.

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool iyo taageerayaasheyda ugu baaqayaa in ay ka soo qeyb galaan bannaan baxa nabadeed, soona qaataan facemask si looga hortago cudurka COVID19, sidoo kale waxaan Ciidamada Amniga qaranka ugu baaqayaa in ay waajibkooda sugidda amniga ay u gutaan si waafaqsan dastuurka, ayna ilaaliyaan amniga bannaan baxayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here