Waxaa la ii xaqiijiyay geerida Ilaahay ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa tiirarka waaweyn ee Culimada Soomaaliyeed. Waxaan qoyskii uu Sheekhu ka baxay iyo guud ahaan bahweynta ku abtirsata isirka Soomaaliyeedba, uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee Sheekha ku timid.

Sheekh Nuur Baaruud wuxuu kamid ahaa Culimada Soomaaliyeed ee Ilaahay ha sokow sababta u ahaa, naftooda iyo waqtigoodana u huray in bulshadeenu ay si sax ah u fahanto, uguna dhaqanto diinteena suuban ee Islaamka. Wuxuuna Sheekhu sidoo kale mar walba safka hore kaga jiray gudiyadda isku xilqaama ama loo xilsaaro howlaha gurmadka iyo gargaarka ah ee loo fidiyo shacabka soomaaliyeed, marka ay musiibooyinku dhacaan.

Waxaan Ilaahay ka baryayaa in Sheekha uu siiyo naxariistii Janno, Umadda Soomaaliyeedna ay badalkiisa helaan badal kheyr qaba oo booskii uu Sheekhu ka baxay buuxiya. Inaa Lilaah, wa inaa ileyhi raajicuun, naf walbaa waa tii geeri dhadhamiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here