Afar (4) bilood kahor ayaan hadal aan jeediyay ku sheegay, in qaabka aan u maareyno afartanka (40) maalmood ee xilligaas nagu soo aadanaa, ay fure u noqon doonto afarta (4) sano ee nagu soo fool leh, ayna gundhig u sii noqon doonaan sawir-mustaqbaleedka dalkeena iyo dadkiisu ay yeelan karaan afartanka (40) sanno ee soo socdo.

Afar (4) bilood kadib, waxay dowladda muddo xileedkeedii dastuuriga ahaa uu dhamaadey ay wali ku guuleysan la´dahay oo ay la rafaneysaa maareynta iyo ka gudbidda isgoyska halista badan ee dalkeennu uu xiligaan taaganyahay. Waxaana wada aragnaa fool-xumadda natiijooyinka ka dhasha marka danta shaqsiga laga horumariyo danta guud, darteedna loo burburiyo danaha guud ee dadka, dalka iyo dowladnimada.

Waxaan horey uga digay, hadana aan mar kale ku celinayaa in hadii aysan Soomaalidu ku heshiin qaabka doorashada madaxtinimada dalka, doorashaduna noqon mid ku dhacda qaab wadar ogol ah oo daah-furan, ay adkaan doonto inay Soomaalidu ku heshiiso ogolaanshaha natiijada doorashada iyo guud ahaan wadaagga hannaanka dowladnimada dalkeenna.

Aniga oo ku kalsoon garaadka iyo kartida dadka Soomaaliyeed, waxaa ii muuqdo maalmo qurux badan oo dalkeenna iyo dadkiisu ay yeelan karaan mustaqbalka dhow, hadii ay helaan hoggaankii saxda ahaa ee horumarkaas ku hoggaamin lahaa.

HiigsiIyoHorumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here