Musharax Xildhibaan C/raxmaan Odawaa oo baaq kasoo saaray ANYAX dhibaato ku haayo Deeganada Galmudug

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Galmudug dhibaato ba’an ku haaya Xayawaanka AYAXA,kaas oo  ku duldagay deegaanada Galmudug,,isla markaana daaqii xaalufiyay,waxaana dhibaatadaas baaq kazoo saaray Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka kana mid ah musharixiinta Galmudug ayaa sheegay in dadka reer Galmudug gaar ahaan Beeraleyda uu dhibaato ku haayo AYAXA loona baahan yahay in wax laga qabto.

Waxaa uu sheegay in AYAXA uu xaalufiyey dhul daaqsimeed farabadan oo dadka beeraleyda ay ay beerteen,isla markaana ay cabasho u soo gudbiyeen dadka uu matalo ee reer Galmuudg.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayuu ugu baqay Madaxda dowlada federaalka iyo hay’adaha caalamiga in ay gargaar la  gaaraan dadka reer Galmudug si loo badbaadiyo nolosha dadka xoola dhaqatada ah ee AYAXANI dhibaatada ba’an ku hayo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064