Musharax  Xuseen Cabdi Xalane ” Waan soo dhawaynayaa Raisal Wasaaraha   Cusub, waxaana leeyahay Dalka Doorasho Gaarsii Heshiiskiina Meel mari..

0

Wasiirkii hore ee Maaliyada Dowladii Xasan sheekh ahna Musharax u taagan Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya 2021- ayaa soo  dhaweeyay Raisal Wasaaraha Cusub ee uu Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in Raisal Wasaare Rooble laga sugaayo in uu wax ka qabto is Mari Waaga Siyaasadeed ee Doorashada, waxa uuna sheegay in Rooble laga sugaayo in Dalka uu gaarsiiyo Doorasho.

” Raisal Wasaare Rooble Waxaan is leeyahay Wax Badan ayuu ka badali Karaa is Mari waaga Siyaasadeed ee Dalka ka jira, waxaana Laga rabaa in uu Fuliyo ama dhaqan Galiyo Heshiiskii la gaaray inta aan la Magacaabin asaga”ayuu yiri Musharax  Xuseen Cabdi Xalane.

Sidoo kale Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in Dalka doorasho ay ka dhacdo Waqtiga loogu tala galay, waxa uuna meesha ka saaray Mudo Kororsi.

” Waxaan ugu baaqayaa Xukuumada Cusub  ee Soo Socota in Dalka ay gaarsiiso Doorasho waqtigeeda ku  dhacda, waxaana Leeyahay Madaxda Dalka  iyo kuwa maamul Goboleedyada in ay ka dhabeeyaan Heshiiskii ay gaareen”ayuu yiri Musharax Xuseeen Cabdi Xalane.

Sidoo kale Musharax Xuseen ayaa waxa uu maalmo ka hor ku dhawaaqay in uu Yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo sanadka soo socda.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

 

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here