Wasiirka  Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa  isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa Isiinta wuxuu ku wajahan yahay Magaalada Garoowe si uu halkaasi uga dhawaaqo damiciisa madaama uu yahay dhulka uu asal ahaan ka soo jeedo.
Wasiirka waxaa lagu wadaa inuu 18-ka bishaan oo ku beegan isniinta soo socota uu sharaxad ka bixiyo ujeedkiisa ama damiciisa musharaxnimo xili soo dhaweyn loogu sameyn doono maalintaasi Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Masuulkaani ayaa sii kordhiyay musharxiiin maalmihii ugu danbeyay warbaahintu hadal heysay kuwaasoo doonaya inay Puntland hogaamiyaan 5-ta sano ee soo socota.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 1 person and text
Previous articleDagaal Beeleed dhimasho sababay oo ka qarxay duleedka Jowhar
Next articleDAAWO VIDEO: Taliyaha Ciidamada lugta oo Saraakiil kula kulmay deegaanka Shabeeloow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here