LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Isbahaysi ay ku mideysan yihiin Musharixiinta xilka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi-Bari Somalia ee hore loo oran jirey SSC-Khaatumo ayaa kulan ay xalay ku yeesheen Laas-caanood waxay ku hajjabeen inay gabi ahaanba qaadici doonan inay qeyb ka noqdaan doorashooyinka xilka Madaxweynaha maamulka cusub hadii Dowlada Somalia faragelinta ka deyn weydo.
Siyaasiyiintaan waxay Dowlada Somalia ku eedeeyeen inaysan dhex dhexaad ka ahayn arinta doorashooyinka xilka Madaxweynaha Maamulka Waqooyoi-bari Somalia iyagoo si toos ah u shaaciyay in Dowladu xilka madaxweynaha la rabto C/qaadir Firdhiye oo ah hada sii haya hogaanka maamulkaasi kaasoo ku jira xisbi siyaasadeedka Madaxweyne Xassan.
Musharixiintaan waxay sheegeen inay qaadaceen gudiga ansixinta madaama ay dhex dhexaad ahayn sida musharixiintu aaminsan yihiin.
Isbahaysiga Musharixiinta oo ay ku jiraan siyaasiyiin miisaan culus sida Jamaal Maxamed Xassan iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Somaliland oo dhanka Laas-caanood u soo goostay C/risaaq Khaliif iyo musharixiin kale ayaa ku xuseen in hadii aan sidaan wax laga badelin inay si rasmi ah u qaaici doonaan doorashooyinka .
Musharixiintaan waxay tilmaameen inay qabsan doonaan doorashooyin ay iyagu dhexdooda dhigan doonaan oo ka madax anan kan dowlada Somalia ay wado hadii aysan faragelinta joojin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

