MAKA (DAYNIILE.COM)-Shil aad looga naxay ayaa ka dhacay dalka Sacduudiga kadib markii Muslimiin Hindi ah oo acmaasha cumrada u tagay Magaalada Maka ay halkaasi dhimasho badan ka soo gaartay markii bas ay la socdeen uu ku dhacay gaaribooyad ah oo shidaal siday.
40 ruux ayaa ka dhimatay muslimiinta Hindiya ka yimid gaar ahaana Magaalada Hydarabad kuwaasoo caruur iyo haween u badanaa, Allow u wada naxariiso dhamaantood.
Gaariga baska ah ee ay saarnaayeen Hindida ah waxaa qabsaday dab kaasoo gabi ahaanba bas beelay, waxaana la soo sheegayaa in basku ka dhaqaaqay Magaalada barakeysan ee Maka islamarkaana u socday Magaalada Madiina oo uu ku yaal Masjidkii Nabi Muxamed Nabad-gelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee isaga iyo ehelkiisa.
Rabi ha u naxariisto dhamaantoode waxaa ka mid ah dadka shilka gaari ku geeriyooday 20 haween ah iyo 11 carruur ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
