NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Mid ka mid ah baadirayasha Kenya ayaa shaaciyay muuqaal uu ku muujinayay naceyb ka dhan ah Muslimiinta taasoo keentay inay Muslimiint Kenya degdeg uga jawaabaan.
Guddiga Masaajidka ugu weyn Kenya ee Jamia oo ku yaal Nairobi ayaa bayaan ay soo saareen waxay ugu baaqeen Dowlada in si degdeg ah tallaabo looga qaado baadiri kaniisadeedkaasi oo lagu magacaabo Mathew Israel kaasoo ku kacay fal kicin bulsho ah iyo nacayb muujin dhanka diinta Islaamka ah.
Maamulka Masjidka Jamia wuxuu si gaar ah ugu boorriyay Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka inay qaadaan tallaabooyin ay ku haboon madaama uu ku dhaqaaqay fal khatar ku ah isku xirnaanta qaranka sida ay warka u dhigeen.
Sheekh Ibrahim Lethome oo akhrinayay khudbadii jimcaha ee shalay ayaa hadallada baadirigaas ku tilmaamay xadgudub lagu sameeyay qiyamka diinta islaamka iyo dhaqanka Kenyaanka, Sheekh Ibrahim wuxuu ku eedeeyay baadariga inuu ka shaqeynayo khilaaf uu ka dhex abuuro dadka Kenya ee diimaha kala duwan haysta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
